Subscribe dheh

header ads

Waa maxay dhaqaalahu?


Dhaqaalahu:
waa daraasad ku saabsan sida bini aadamku go’aan uga gaadho yaraanta khayraadka. Kuwani waxay noqon karaan go’aanno shaqsiyeed, go’aamada qoyska, go’aannada ganacsiga ama go’aannada bulshada. Hadaad hareerahaaga sifiican ufiiriso waxaad arkeysaa yaraanta khayraadku inay tahay xaqiiqda nolosha. Taasoo macnaheedu tahay in bina-aadamku u doonayo badeecado, adeegyo iyo kheyraad ka badan waxa jira. Kheyraadka, sida shaqada, qalabka, dhulka, iyo alaabta ceyriinka ah ayaa lagama maarmaan u ah soo saarista badeecadaha iyo adeegyada aan rabno laakiin waxa aan heli karno waa yar yihiin marka loo eego waxa aan rabno. Dabcan, waxa ugu yar ee aan heli karno waa waqtiga – qof kasta, taajir ama sabool, wuxuu heystaa kaliya 24 saacadood maalintii si ay isugu dayaan inay helaan alaabada ay rabaan. Waqti kasta oo la joogo, waxaa jira oo keliya xaddi kheyraad ah oo la heli karo Yaraanta khayraadka. Haddii aadan weli rumaysan in yaraantu khayraadku mid jirta tahay, tixgeli waxyaabaha soo socda: Qof kastaa miyuu haystaa cunto uu cuno? Qof kastaa ma uu haystaa meel wanaagsan oo uu ku noolaado? Qof kastaa miyuu heli karaa daryeel caafimaad? Waddan kasta oo adduunka ka mid ah, waxaa ka jira dad gaajaysan, hoylaawe ah, wax barasho la.aan ah oo u baahan daryeel caafimaad,cunto iyo wax barasho intaba kaliya si loo xoojiyo alaabada yar iyo adeegyada. Maxay arintu sidan u tahay? Post geena kan ku xiga baynu guda galidonaa fikradda yaraanta khayraadka oo xoogaa qoto dheer, maxaa yeelay waxay muhiim u tahay fahamka dhaqaalaha.


Post a Comment

0 Comments