Subscribe dheh

header ads

Maxaa ka dhexeeya aqoonta dadka iyo Kobaca Dhaqaalaha?


 Koboca dhaqaalaha iyo aqoonta dadka waxaa ka dhexeeya xiriir xoogan. aqoonta dadku waxay ka qayb-qaadataa kororka dhaqaalaha, sidoo kale hadii la siyaado aqoonta iyo xirfadaha kala duwan waxay sare uqaadaysaa dhaqaalaha guud ee wadanka.

kobaca dhaqaaluhu waa koror ku yimaada awoodda dhaqaale, marka loo eego xilliyadii la soo dhaafay, si ay u soo saaraan alaabo iyo adeegyo. Kobaca dhaqaalaha waxaa lagu qiyaasaa isbeddelka wax soo saarka guud ee waddanka (GDP) ee waddan. Waxsoosaarka guud waa matalaadda wax soo saarka guud ee badeecadaha iyo adeegyada dhaqaalaha. Tusaale ahaan, haddii waddanku leeyahay heerka waxsoosaarka guud ee sanadka 2.5%, waxay ka dhigan tahay koritaanka dhaqaale ee waddanku inuu kordhay 2.5% sanadkii ka horreeyay. 

kobaca dhaqaalahu wuxuu si togan ugu xiran yahay aqoonta iyo xirfadaha dadka, maaddaama maalgashiga uu u janjeero inuu kor u qaado wax soo saarka. Nidaamka wacyigelinta shaqaaluhu waa nooc ka mid ah maalgashiga.

Si aan u ogaano aqoonta dadku siday usaamayso kobaca dhaqaalaha waa inaan fiirinaa labo meelood

1. Sida ay wax u kharashgareeyaan  dadka wadanku

Tusaale ahaan waxaa lagu qiyaasay in kharashgarayntu ay mas'uul ka tahay in ka badan saddex-meelood laba meel kobaca dhaqaalaha ee Mareykanka.

 Markay dadka wadanku noqdaan kuwo shaqeeya, waxay u muuqdaan inay kordhinayaan iibsigooda dharka, gawaarida, tikniyoolajiyadda, guryaha, iyo dalxiisyada. Dhammaan kharashyadaasi waxay abuureysaa saameyn togan oo horseed u noqota horumar shaqo ee warshado kala duwan sida, soo saarayaasha baabuurta, dukaamada tikniyoolajiyadda, kuwa guryaha dhisa, shirkadaha isgaarsiinta iyo xitaa tafaariiqlayda. Kharashaadka ayaa sidoo kale horseedaya kororka waxsoosaarka guud.

2. Maalgashiga Ganacsiga

Kordhinta waxsoosaarka guud ee ka imanaya kharashaadka macaamiisha ayaa horseedaysa hagaajinta xaaladaha ganacsiga. Maaddaama shirkaduhu noqdaan kuwo faa'iido badan leh, waxay u muuqdaan inay lacag badan geliyaan ganacsiyadooda si ay u abuuraan koritaan mustaqbalka. Maalgashiga ganacsiga waxaa ka mid noqon kara inay qalab cusub soo iibsadaan iyo inay tiknolojiyad cusub la yimaadaan. Sidoo kale ganacsiyadu waxay daynsadaan lacago dheeraada si ay u baalaariyaan shaqadooda maadaama dalabaadka macaamiishoodu uu sii badanayo, lacagtaas oo badanaa ay u adeegsadaan inay ku soo gataan alaabaha waaweyn iyo inay ku bixiyaan mushaaraadka maadaama ay u baahan yihiin shaqaale badan, taas oo keenaysa in ay furmaan shaqooyin badan oo dhinac walba ah.

Maahan in kharashgaraynta iyo Maalgashiga ganacsigu ay kaliya ka qay-qaataan koboca dhaqaalaha            

  ee sidoo kale waxay door muhiima ka qaataan taba barka iyo hormarinta shaqaalaha.


SOO KOOBOD

aqoonta dadku waxay saameeysaa kobaca dhaqaalaha waxayna gacan ka geysan kartaa horumarinta dhaqaalaha iyadoo la ballaarinayo aqoonta iyo xirfadaha dadka wadanka.

Heerka kobaca dhaqaalaha ee ay hogaaminayaan kharashgaraynta bulshada iyo maalgashiga ganacsiga ayaa go'aaminaya xaddiga shaqaale xirfad leh oo loo baahan yahay.


Post a Comment

0 Comments