waxaa jira dhowr dariiqo oo lagu abuuri karo koboc dhaqaale. Midka koowaad waa kororka xaddiga alaabada loo adeegsado wax soo saarka (waa alaab shirkadduhu u isticmaalaan habka wax soo saarka si ay u soo saaraan alaabo iyo adeegyo ay macaamiishu hadhow isticmaali doonaan. sida dhismayaal, mashiinno, qalab, gawaari, iyo wixii lamida,). Taasoo kordhineyso wax soo saarka shaqada. Haddii ay helaan qalab cusub oo wanaagsan shaqaaluhu waxay soo saari karaan wax soo saar badan xilli kasta. Tusaale fudud, kalluumeysatada shabaqa haysata ayaa saacaddii qaban doonta kalluun ka badan marka loo eego kalluumaysatada usha leh. alaabtaas waa inay noqotaa nooca saxda ah, meesha saxda ah, waqtiga saxda ah si ay shaqaaluhu si dhab ah wax ugu soo saaraan.
Qaabka labaad ee loo soo saaro kobaca dhaqaalaha waa hagaajinta tikniyoolajiyadda. (dib baan ka faah faahinaynaa insha allah)
Hab ka sadexaad oo loo abuuro koboc dhaqaale waa kobcinta xoogga shaqaalaha. Kuwa kale oo dhami waa siman yihiin, shaqaale badan ayaa soo saara alaabo iyo adeegyo dhaqaale oo badan. Tusaale ahaan (Intii lagu jiray qarnigii 19aad, qayb ka mid ah kobaca dhaqaalaha Mareykanka ee xoogga leh waxaa u sabab ahaa qulqulka badan ee shaqada soogalootiga xooga leh ee raqiiska ah.) waa in qofkasta la geeyo meesha uu ku fiicanyahay oo aqoonta ama xirfada u leeyahay si loo xaqiijiyo wax soo saarkooda.
Habka afaraad wuxuu yahay wax barida dadka. Tan macnaheedu waa in dadka wax labaro si ay xirfad dheeraad ah ugu yeeshaan shaqadooda, kor ugu qaadaan wax soo saarkooda iyadoo loo marayo tababar xirfado, tijaabin iyo saxid, ama si fudud tababar badan.
Afartaan qodob mid kastoo ka mid ah gooni baan u faah faahin doonaa dhowaan insha allah
0 Comments