Subscribe dheh

header ads

Isdhex-galka dhaqaale ee geeska Africa xiligaan Soomaaliya ma ku haboontahay?


 Dowladda Soomaaliya waa in ay dhaqaalaheeda gudaha hormariso oo ay dib u soo noolayso warshadihii burburay ee wax soo saarka qaranka ka hor inta aysan ka fikirin qorshaha la doonayo in lagu mideeyo dhaqaalaha gobolka ama aysan xubin ka noqon ururrada kale ee ganacsiga gobolka.


Caqabadaha dhaqaale yarida soomaaliya waxa lagu xallin karaa gudaha.

 Sababaha ugu waaweyn iyo arrimaha ka qaybqaata dhaqaale la'aanta ayaa ah caqabado gudaha ah oo u baahan siyaasado qaran oo cad iyo qorshayaal la taaban karo.


Haddii ujeedka maamulka madaxweyne xasan shiikh uu yahay in dadka Soomaaliyeed loo abuuro fursado dhaqaale iyo ganacsi, markaas in la horseedo is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka iyada oo aan la helin qorshooyin horudhac ah oo la xiriira isdhexgalka, warshado shaqeynaya iyo badeecado dalka lugu farsameeyo oo ay dawladu dhoofiso taasi waxay u muuqataa mudnaan khaldan.


Waxaa xaqiiqo ah oo aan la dafiri karin in ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya uu yahay mid xooggan oo si weyn u horumaray sannadihii qalalaasaha ahaa, waxaana laga yaabaa in la is dhaho dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga leh ayaa ka faa’ideysan kara suuqa dad ka badan 120 milyan oo qof oo ku furmi kara maamul goboleed hoos yimaada heshiis dhaqaale. Laakiin mar kale taasi waa saadaal kale oo khaldan marka loo eego xaqiiqda ah in badi ganacsiyada Soomaalida ee gudaha ay yihiin shirkado wax soo dajiya oo (dib) uga sii iibiya badeecadaha la soo dejiyo suuqyada gudaha. 

Intaa waxaa dheer, shirkadaha ugu guulaha badan dalka waa shirkado adeeg oo bixiya adeegyada isgaarsiinta , bangiyada , xawaaladaha iyo internetka.


Miraha is-dhexgal kasta waxa kaliya oo lagu guran karaa warshado xooggan, wax-soosaarayaal iyo mashaariic kaabayaasha dhaqaalaha ah oo si fudud u fududeeya daabulka badeecadaha. 

Intaa waxaa dheer, shahaado bixinta badeecadaha waa shardi muhiim u ah dhoofinta badeecadaha caalamka, dowladda Soomaaliyana ma laha awood ay ku bixiso adeegyada shahaado bixinta, taas oo keeneysa caqabadaha dhoofinta.


Caqabadahaas oo dhami waxay dhaqaale xumo weyn ku keeni doonaan Soomaaliya oo hadda la daalaa dhacaysa sidii ay uga bixi lahayd colaadaha iyo sidii ay u qaadi lahayd tillaabooyinka aas-aasiga ah ee ku wajahan dawlad wanaagga iyo horumarka. 


Is dhexgalka dhaqaale ee dhabta ah iyo kuwa wax ku oolka ah ee gobolka waxa la heli karaa oo kaliya marka dhammaan dalalka xubnaha ka ah ururka ay yeeshaan awood dhaqaale oo siman iyo awoodo dhoofin iyo soo dejin isku dheeli tiran.


 Haddii kale midka ugu awooda yar wuxuu noqon doonaa suuq ay ffaa'iidaystaan kuwa kale oo ay ku khasaaraan muwaadiniintiisu.

Post a Comment

0 Comments